Lacagaha marka la gaboobo

Lacagaha marka la duqoobo waxa loogu tala galay in dadka howlgabka ah dhaqaale kufilan oo ay ku noolaadan usoo haro. Nidaamka lacagahan ee Swiserlaan ayaa ku taagan 3 tiir. Ceymiska da'da iyo dadka laga dhintay (AHV), Lacagaha dadka shaqeeyo laga uriiriyo si loosiiyo marka ay gaboobaan (Pensionkasse) iyo lacaga marka la duqoobo dadka si xor ah meel u dhigtaan (3.Säule).

Ceymiska Da'da iyo dadka laga dhintay (Tiirka 1-aad, 1.Säule)

Ceymiska da'da iyo dadka laga dhintay (AHV) waa mid dowli ah. Dadka qaangaarka ah badidood waa inay shubaan lacagahan. Lacagahan waxaa laga jaraa si toos ah mushaharaadka dadka shaqeeyo, kuwa loo shaqeeyana waxay bixiyaan nus kamid ah lacagahan. Dadka iskood u shaqeysta sida ganacsatada ama dadka aanan shaqeyn waa inay weydiiyaan hay'ada ururiso dhaqalahan (Ausgleichskasse) sidii ay ku bixin lahaayeen. Ceymiskan waxuu siiyaa bil walbo dadka howlgabka ah dhaqalaha gaboowga. Inta lacag ay horey usoo shubeen waqtigii ay shaqayn jireen ayay ku xirantahay dhaqalaha bil walbo lasiiyo. Ceymiskan sidoo kale waxuu caawiyaa agoomada iyo carmalka. Dhammaan dadka degan Swiserlaan waxay helayaan Kaarka Ceymiska iyo lambarkiisa Ceymiska bulshada ee u gaarka ah.

Sanduuqa howlgabka (Tiirka 2-aad, 2. Säule)

Ceymiska da'da iyo dadka laga dhintay kaliya kuma filna inta badan in marka howlgabka la noqdo lagu noolaado nolol sidii hore ah. Sidaas darteed ayaa dadka shaqeeyo waxay leeyihiin sanduuq wax loogu uruuriyo (Pensionskasse) kaasoo waajib ku ah dadka ay soo galaan sanadkiiba mushaharo cayiman. Dhaqalahan waxa bil waliba si toos ah looga jaraa dadka shaqeeyo mushaharkooda midka loo shaqeeyana waxa waajib ah inuu nus kamid ah bixiyo. Dadka iskufilan lagama doonayo inay wax ku shubaan sanduuqan. Hadii ay jeclaadaana wax bixin karaan si aan qasab ahayn iyaga ayaana go'aansan karo. Sanduuqan qof walba inta ugu keydsan waxaa lasiin karaa marka uu gaboobo bilwalba ama hal mar ayaa loo wada shubi karaa. Xaaladaha qaarna waxaa dhacdo in waqtigii howlgabka kahor loo shubo lacagtaan qofkii ay u keydsaneyd: Tusaale ahaan marka qof uu ganacsi furanayo, uu ka guurayo Swiserlaan oo dhan, uu dhisanayo guri ama uu iibsanayo guri.

Sanduuqa iskaa wax ugu shubo (Tiirka 3-aad, 3. Säule)

Tiirkan 3-aad waa mid qof walba si xur ah uu goonidiisa ugu kaydsan karo lacagahii uu heli lahaa marka uu da' noqdo. Abaal marin waxuu u helaa qofka Tiirkan 3-aad ku kaydsado in wax laga dhimo Canshuuraha. Waxaa laga sameysan karaa Sanduuqan Bangiyada ama Shirkadaha Ceymiska bixiya. Waxaa lagu taliyaa in qofku kaydka tiirka 3-aad sameysto si uu markuu gaboobo u haysto haraa lacageed oo dheeri ah.

Dhaqaalaha dheeriga ah

Dadka da'da ah ee marka laga soo tago Ceymiska da'da iyo Lacagaha Sanduuqa Gabowga aana haysan dhaqaale ku filan oo ay ku nooladaan waxaa jiro dhaqaale dheeri ah oo shuruudo ku xiran oo lagu kabayo lacagaha soo galo (Ergänzungsleistungen). Lacagahan waa inay ka codsadaan Hay'adda Dhaqalaha Bulshada. Waxay u dhigantahay si cad qofka xaqqa u leh qaadashada dhaqaalahan. Dhaqalaha dheeriga ah waxaa maalgeliyo dadka canshuuraha bixiyo.