Xanuunada iyo Shilalka

Qofkastoo ku nool Swiserlaan waa inoo ku jiraa Ceymiska xanuunada iyo shilalka. Shirkadaha Ceymisyada gaarka loo leeyahay ayaa dusha saaranayo kharashaadka ku baxo, shilalka, xanuunnada iyo Uurka. Labadaan Ceymis waa waajib inaad gasho saddexda bilood gudahood imaanshaha Swiserlaan kadib.

Ceymiska Xanuunada (Grundversicherung)

Dhammaan dadka ku dhaqan wadanka Swiserlaan waxay ku qasban yihiin inay lnaftooda u sameystaan Ceymiska Xanuunada ee waajibka ah (Grundversicherung). Qofkii soo dago Swiserlaan waxuu haystaa muddo 3 bilood ah oo ku sameysto Ceymiska. Hadii uu mudadaas dhexdeeda xanuunsado, kharashaadki ku baxay waxaa dib ugu celin Ceymiska uu geli doono. Ceymiska waajibka ah waxaa laga sameysan karaa Shirkadaha Ceymiska gaarka loo leeyahay ee bixiya Xanuunada (Krankenkassen). Kala doorashada Shirkadahaas waxaad u tahay xor. Shirkadaha Ceymiska xanuunanada waxaa ah inay qaabilaan dhammaan dadka ku dhaqan wadankan Swiserlaan.

Dadka ku jira Ceymiskan waxay dhiibaan bil walbo Lacag. Lacagaha la dhiibo cadadkooda waxay uka sareeyaan hadba shirkada Ceymiska ee aad ku biirtay ama nooca ceymiska gaarka ee aad dalbanayso sidaas awgeed ayay u fiicantahay in isbarbardhig lasameeyo inta aan la sameysan kahor. Sanadwalbo dhammaadka bisha Nofeembar ayaad shirkada caymiska ku badalan kartaa shirkad kale. Ceymiska Caafimadka qasabka ah ma bixiyo kaliya kharashaadka ku baxo marka qof xanuunsado ee waxay bixiyaan sidoo kale kharashaadka hooyada uurka leh iyo dhalitaanka. Waxyaabaha ay bixinyaan Ceymisku waxaa jiro Xeerar sharciyaysan oo u dagsan.

Fiiro Gaar ah: Kharashaadka ku baxo daaweynta ilkaha ama ookiyaalaha indhaha caadi ahaan qofkasto isaga ayaa iska bixinaayo ama hadii uu ku jiro Ceymiska Xanuunada ee dheeraadka ah oo aan qasabka ahayn.

Ceymiska Shilalka

Shaqaalaha si toos ah ayay ugu jiraan Ceymiska shilalka dhaco saacadaha shaqada iyo fasaxa haddii ay shaqeeyaan in kabadan 8 saacadood usbuucii. Qofkii 8 saacadood kayar shaqeeyo waa inuu goonidiisa u galaa ceymiskaas. Dad gaarka u shaqeysto ee ganacsatada ah iyo dhamaan dadka aanan shaqeyna sidoo kale. Dadka aanan shaqeynin waa inay Shirkadooda Ceymiska Xanuunada (Krankenkasse) ka galaan Ceymiska Shilalka. Dadka gaarka u shaqaysta sidoo kale iyagana waxay iska diiwaangelin karaan Shirkadaha kale ee Ceymiska Shilalka bixiyo. Dadka ku jiro Caymiskan waa inay bil walbo bixiyaan lacagaha Ceymiska. Dhammaan dadka shaqeeyo waxaa bil walba si toos ah looga gooyaa lacagaha Ceymiska shilalka mushaharkooda.

Qiimo dhimista kharashaadka Ceymiskan

Qof waliba oo aanan awoodin inuu iska bixiyo kharashaadka Ceymiska xanuunada waxuu xaq uleeyahay caadiyan in laga bixiy Ceymiska waajibka ah ee xanuunada (Prämienverbilligung). Si lagaaga bixiyo kharashaadkan waa inaad buuxisaa warqaha lagu dalbanayo adigoo cadeynaayo kharashaadka kusoo galo iyo hantidaada. Hadii la aqbalo dalabkaada waxa lagaa bixinaa kharashadkii laga bilaabo bishaas. Hay'adda Kaalmada Bulshada (Amt für Sozialbeiträge) ayaa kusiin doonto macluumad kusaabsan (Prämienverbilligung) codsigaagana kaa qaban doonto.

Ceymiska Caafimadka dheeraadka ah

Si xor ah ayuu qof walbo u sameysan karaa Ceymiska Xanuunada waajibka ah kuwo ka dheeri ah (Zusatzversicherungen). Faa'idada ay bixiyaan waa inay bixiyaan kharashaadka aysan bixin midka waajibka ah. Tusaale ahaan, daaweynta ilkaha. Ceymiska dheeriga ah waxaa laga sameysan karaa inta badan dhammaan Shirkadaha ceymiska xanuunada bixiyo. Shirkadaha iyagaa xor u ah in qaabilaan qofka inuu sameysto ceymiska dheeriga iyo inkale amaba waxay dul dhigi karaan shuruudo.