Waa maxay rabshadaha qoyska?

Rabshada qoyska (Häusliche Gewalt) waa xadgudubka ka dhex dhaca qoyska ama lamaanaha. Waxay dhaawacdaa jirka iyo dareenka qofka. Rabshada qoyska waxay leedahay noocyo kaladuwan. Rabshada qoyska waa ka mamnuuc dalka Swiserlaan.

Waa maxay rabshada qoyska?

Rabshada qoyska waa xadgudubka ka dhex dhaca qoyska ama lamaanaha: Ee u dhaxeysa dadka reeraha leh ama dadka wada jooga ama wadi joogi jiray. Muhiim ma ahan inay isla nool yihiin. Xadgudubka ka dhex dhaca waalidiinta iyo carruurta ama u dhaxeeya dadka wada dhashay ee walaalaha ah sidoo kale waa rabshad qoys.

Rabshada qoyska waxay keeni kartaa xanuun la xariira maskaxda iyo dhimirka. Rabshada qoyska sidoo kale waxay keentaa caqabadaha kobaca bulshada iyo caafimaadka carruurta. Sidoo kale Caruurta ku dhexnool Rabshadaha Qoyska si dadban ayay u saameynaysaa.

Yaa saameyntu gaartay?

Rabshada qoyska qof walba waa ay saameyn kartaa: dadka yaryar iyo dadka waawayn, dadka haysta iyo dadka aan haysan baasaboorka Swiserlaan, dadka maalqabeenada ah iyo qoysaska danyarta ah. Dad badan oo kunool Swiserlaan waxay la kulmaan rabshada qoysaskooda ama lamaanahoodi hore. Waa muhiim in dhibanayaashu raadsadaan caawimaad.

Noocyo kala duwan

Waxaa jira noocyo kaladuwan oo rabshada qoyska ah – mid jireed, mid maskaxeed, xadgudubka galmada iyo dhaqaalaha. Badanaa, noocyada rabshada qoyska waxay dhacaan waqti isku mid ah.

Tusaale ahaan: cayda joogtada ah, taabashada mamnuuca ah, xadgudubka, riixida, xakameynta, ku qasbida qof galmo, xoogida lacag, ka mannuucida qof inuu barto luuqad iyo dayacaada carruurta. Hanjabaadaha sidoo kale waxay kamid yihiin rabshada qoyska.

Rabshadaha qoyska waa mamnuuc

Rabshada qoyska waa mamnuuc. Waxaa ka dhalan kara ganaax. Haddii boolisku oggaadaan rabshad qoys, waa inay sameeyaan baaritaan, xataa haddii qofka la kulmaaya xadgudubka uusan dooneyn in sidaas la sameeyo.

Talooyinka Dhibanaha (Opferhilfe)

Xarumaha talada dhibanaha (Opferhilfe) waxay talo siiyaan waxna u sheegaan dadka la kulma rabshada qoysaskooda ama lamaanahoodii hore. Caawimaadaan waa bilaash. Dhibanayaashu waxay qorsheyn karaan tallaabooyinka xigga ayagoo adeegsanaaya khabiiro.

Howlwadeenada waa kuwo aan sii gudbin waxaad la wadaagto. Arrintaan waxay la micno tahay inaan qofka loo oggolaaneyn inuu la wadaago wada hadalka qofkale. Xataa booliska lalama wadaagaayo.