Darisnimada

Guri walbo iyo xaafad walbo ma ahan xiriirkooda darisnimo mid isku si u xoogan. Si kastaba ahaatee waa mid aad loogu taliyo in wada hadalka dariska la raadiyo gaar ahaan marka khilaaf jiro.

In lawada xiriiro

Xaafadaha iyo guryaha qaar xiriirkooda waxay u wanaajiyaan si wanaagsan (Tusaale xafladaha iwm.). Meelaha kale kama ahan wax aad caadi u ah. Qofka ku cusub guriga inuu is baro deriskiisa waa mid aad ugu baahsan gobolka Basel-Stadt. Hadii derisku doonayn in xiriir lala sameeyo ma ahan dhibka deriska cusub ee soo dagay. Markaas waxaa haboon in xooga lasaaro deris wanaag dabci wanaagsan. Waxaa sidoo kale jiro qaabab kale oo bulshada xaafada ay kuwada xiriiri karaan, tusaale ahaan in lagu biiro Kooxo.

Nidaamka Guriga

Inta ugu badan guryaha ay ku nool yihiin dad badan oo kala duwan waxay leeyihiin nidaamka guriga (Hausordnung). Warqadan nidaamka guriga waxa si wada jir ah la isku siiyaa iyada iyo qandaraaska ijaarka guriga. Waxaa ku xusan warqadan nidaamka wada noolaanshaha iyo wada isticmaalka qolalka dadka kawada dhexeeya sida Qasaalada dharka. Swiseerlan ahmiyad badan ayaa la siiyaa in la ilaaliyo nidaamkaan. Waxay aad usaameysaa inta badan waqtiyada nasashada taaso waliba qayb kamid ah ay tahay mid sharci ah.

Khilaafaadka

Haddii qofkale oo kula dagan guriga ilaalin waayo nidaamka guriga oo aad dareento in uu ku dhibaayo, waxa fiican in marka ugu horeysaba aad raadiso wada hadal idin dhex mara adiga iyo qofkaas. Haddii taas xalku noqon waayo waxaad la xiriiri kartaa milkiilaha guriga ama kireeyaha. Xaalada aadka culusna waxaad wargelin kartaa booliska (lambarka Telefonka 117). Booliska waxa lama huraan ah in la waco marka aad marqaati ka tahay rabshado ka dhacaya guriga agtaada ah adiga oo deriskaada bad qabkooda ka walwalsan.