Kirada Guryaha

Qofkii ku nool guri kiro ah waxuu leeyahay Xuquuq iyo waajibaadyo sharci ah oo kala duwan. Tusaale ahaan milkiilaha guriga ugama saari karo qofka kirada ku jiro si degdeg ah. Sidoo kale dadka kireysanaya guryaha waa inay ilaaliyaan nidaamka.

Qandaraaska Kirada Guriga

Sida caadiga ah kireeyaha iyo kireestaha guryaha waxay kala sixiixdaan qandaraaska guryaha oo qoraal ah. Waxaa sidoo kale macquul ah in afka lagu kala sixiixdo. Laakin midaan laguma taliyo. Marwalba waxaa dhaqan galo qandarasyada guryaha ee ugu yaraan xuquuqda iyo waajibaadkoda ku xusan yihiin Xeerka (Obligationenrecht).

Kirada

Kirada waxay ka koobantahay sida caadiga ah Qiimo kiro go'an iyo Qiimo dheerad ah (Nebenkosten) (Tusale ahaan Kululeeysada, biyaha qandaca ah iwm.) oo la isku daray. Waxaa lagaa qaadi karaa kaliya Qiimaha dheeraadka ah ee ku xusan qandaraska kirada. Kirada caadi ahaan waa in bilwalbo lasii hormariyaa. Kireeyaha waxaa la ogolyahay kaliya inuu sababo cad awgood kor ugu qaadi karo qiimaha ijaarka. Qiimo kordhinta waa inuu waqti hore foom rasmi ah kusoo gudbiyaa. Qiimo kordhinta waxaa lagaga dacwoon karaa 30 maalin gudahood Hay'ada dhexdhexaadinta (Schlichtungsbehörde) ee gobolka.

Kireeyaha waxuu sido kale dalban karaa inaad bixiso damaanad (Kaution) ugu badnaan 3 bilood kiradooda ah. Hadii aad ka guureyso guriga waa laguu soo celinayaa damaanadas. Kireestaha guriga waxuu xaaladaha qaar ka dalban karaa kireeyaha qaab qoraal cad ah inuu u sameeyo qiimo dhimis (Mietzinssenkung). Sida marka ay asalka xisaabxirku si cad isu badalo.

Soo degitaanka Guriga

Marka lasoo dagayo guryaha waa in lakala qortaa sida qandaraaska guryaha oo kale Liiska waxyaabaha guriga ka maqan oo nidaamsan (Wohnungsabnahmeprotokoll). Halkaan waxay isla meel dhigayaan si qoraal ah kireeyaha iyo kireeystaha walxaha ka maqan guriga. Midaan waxaa lagu hubinayaa in qofkan cusub ee soo dagayo guriga aan dusha loo saarin waxyabihii uu ka xumaaday kireeystahii hore. Qofkii haysto Xayawaanada Guriga waa inuu waqti hore sii ogaadaa inuu guriga ku haysan karo iyo inkale. Fiiro gaar ah: Guriga cusub markaa soo degto waa in 2 usbuuc gudahood aad iska diiwangelisaa Xafiiska Maamulka degmada.

Waxyaabaha ka xumaado guriga

Waxyaabaha yaryar ee ka xumaado guriga waa inuu kireeystaha iska bixiyo (Tusale ahaan, Tuubada Qubeyska ama saabuun saarka). Waxyabaha waaweyn ee ka xumaado guriga waxaa qarashkooda qabo Kireeyaha. Hadii dhibkaas kireeystuhu geystay sidoo kale waa inuu isaga iska bixiyo. Xaaladan oo kale waxaa loo baahanyahay Ceymiska Magdhowga Qaaska ah. Haddii ay wax hallaabaan ama aad doonayso inaad wax kabadesho guriga (Tusaale inaad riinji mariso) waa inaad la xirirtaa kireeyaha. Haddii ay wax weyn ka maqan yihiin guriga (Tusaale kululeysada oo aan shaqeynayn ama Qasaladii dharka, Buuq iyo sawaxan dheeri ah sababo dhismo agtaada kasocdo oo kale) waxaad xaq u leedahay qiimo dhimis ijaar illaa iyo inta laga hagaajinayo.

Warqadda ka bixidda guriga

Kireeystaha waa inuu qandaraaska furan ee Guryaha waqtiga ugu saxsan isaga baxaa. Inta badan waxaa laga bixi karaa bil kasto dhammaadkeda (marka laga reebo 31.12.). Inta badan ballanta ka bixitaanka guriga waa muddada ku qoran qandaraaska guryaha. Sida caadiga ahna waa 3 bilood. Warqadda ka bixidda guriga waa inay kireeystaha gaarto ugu dambeyn maalin kahor mudada kabixitaanka guriga. Waxaa lagu taliyaa in warqadaas lagu diro nooca boostada ee dabagalka leh (Einschreiben). Marka Kireeyaha warqada kasaarista guriga qorayo waa qasab inuu isticmaalo warqad dowli ah. Kireeystaha waxuu haystaa muddo 30 maalin ah uu kaga hor doodi karo Hay'adda dhexdhexaadinta ka saarista guriga.