Caymiska Magdhowga gaarka ah

Waxaa habboon qof walbo inuu ku jiro Caymiska magdhowga gaarka ah. Hadii si aan ku talagal ahayn qof dhibaato u gaarsiiso, Caymiskaan waxuu kaala wareegayaa bixinta kharashaadka.

Magdhowga Gaarka ah

Haddii qof uu dhibaateyo qof kale ama hanti qofkale leeyahay burburiyo, magta khasaarahaas waxaa laga rabaa qofkaas. Waliba hadii dhibkaas uusan u dhicin si ula kac ah. Kharashaadkaas waxay noqon karaan kuwo aad u badan. Tusaale ahaan, haddii adigoo ciyaaraha barafka (Skifahren) dheelaya aad qof dhaawacdo, waxay gaari kartaa boqollaal kun oo Faran khasaarahaas.

Caymiska Magdhowga gaarka ah

Hadii khasaare dhaco si aan loo dhibtoon, waxaa loo baahanyahay in la samaysto caymiska magdhowga gaarka ah (Privathaftpflichtversicherung). Waxaa laga sameysan karaa inta badan Shirkadaha ceymisyada ee gaarka loo leeyahay. Ceymiskan waxaa isla samaysan karo dhammaan inta hal guri kuwada nool. Caymiska ma ahan mid waajib ah, si kastaba ahaatee waa mid aad loogu taliyo in la sameysto.

Faaiidooyinka Caymiskan

Ceymiska magdhowga gaarka ah, waxuu bixiyaa dhibaatada dadka iyo walxaha uu u gaysto qofka caymiskaasi ku jiro. Waxaa kamid ah waxyabaha ay bixiyaan, Lacagihii dayactirka, dhaymada, mushaharaadkii ka baaqday qofka dhibta soo gaartay ama Lacagta baxnaaninta. Ceymiska magdhowga gaarka ah waxuu bixiyaa sidoo kale dhibaatooyinka ay sababeen Xayawaannada guri joogta ah qaarkood. Ma bixinayaan dhibaatada ay isu gaysteen dadka hal guri kuwada nool. Waxaa kaloo aysan bixinayn dhibaatooyinka u dhacay, ulakac ah ama mas'uuliyad xumo darteed.