Sharciga Darawalnimada

Si laguugu ogolaado inaa gaari ku dhex wadato Swiserlaan waxaa lagaaga baahanyahay Sharciga Darawalnimada oo aan dhacsanayn. Sharciyada darawalnimada ee wadamada kale waa in marka aad soo degto Swiserlaan laguu badalo.

Sharciga darawalnimada ee Wadamada kale

Qofkii soo dega Swiserlaan isagoo sita sharciga darawalnimada ee dibadda uu kalayimid waa inuu 12 bilood gudahood ugu badasho Sharciga Darawalnimada (Führerausweis) ee Swiserlaan. Sidaas darteed waa inuu codsi u qortaa Qaybta baarista Gaadiidka ee Basel-Stadt (Motorfahrzeugkontrolle). Hadba wadanka bixiyay Sharciga darawalnimada ayay ku xirantahay shuruudo ku xiran badalida Sharciga. Waxaa dhici karta in loo baahdo Imtaxaanka darawalnimada ama in Darawaliintu imtaxaanka aragtida guud ku baasaan. Qaybta baarista Gaadiidka ee Basel-Stadt ayaa kula wadaagi macluumaad dheeri ah.

Imtaxaanka Darawalnimada

Swiserlaan si aad u hesho sharciga darawalnimada waxaa lagaaga baahanyahay imtaxaan inaad marto. Imtaxaanka darawalnimada wuxuu kakoobanyahay Qayb aragti guud ah iyo qayb kaxeeynta gaariga ah. Imtaxaanka waxaa loo ogolyahay inay galaan kaliya dadka da'doodu kawayntahay 17 sano. Shuruudaha iyo macluumaad dheeri ah waxaa kula wadaagi doona Qaybta baarista gaadiidka. Waditaanka Gawaarida xammuulka, basaska iyo Tagaasida imtixaano gaar ah ayaa loo maraa.