Luqadda

Waxaad soo dagtay Basel-Stadt af Jarmalkana wali kuma hadli kartid miyaa? Haddaba waxaa kula gudboon sida ugu dhaqsiyaha badan inaad u barato af Jarmalka. Marka aad ku hadli karto luqadda, waxaad si fiican u baran kartaa Dalka iyo Dadka si fududna waxaad ku heli kartaa Shaqo.

Afka Jarmalka Caadiga ah / Af Jarmalka Swiiska

Wadanka Swiiserlaan waxaa looga hadlaa 4 luqadood: Afka Jarmalka, Afka Faransiiska, Af Talyaaniga iyo Afka Retoromaanishka. Luqadda Gobolka Basel-Stadt waa Afka Jarmalka. Waxaa Jiro Af Jarmal Caadi ah iyo Af Jarmal Swiiserlaan kaliya Looga hadlo.

  • Af Jarmalka aan Caadiga ah (Standarddeutsch)
    Dadka gobollada af Jarmalka looga hadlo deggan waxay qoraan af Jarmalka aan lahjadda ahayn. Iskuullada iyo qaybo kamid ah idaacadaha iyo Talefishinada waxay ku hadlaan af Jarmalka caadiga ah.
  • Af Jarmalka Swiiska (Schweizerdeutsch)
    Af Jarmalka Swiiska waa lahjad af Jarmal ah. Dadka inta badan marwalba af Jarmalka lahjadda ah ayay ku hadlaan. Waxaa macquul ah inay kugu adagtahay lahajaddaas hadii xataa aad ku hadasho jarmalka caadiga ah. Lahadjad inta lugula hadlay ma fahmi waysay? Ka codso hadaba dadka, Af Jarmalka caadiga ah inay kugula hadlaan. Qasab kuguma ahan adiga inaad ku hadasho af Jarmalka Swiiska laakin waa muhiim muddo markaad waddanka joogto inaad fahmi karto.

af Jarmalka iyo Caruurta

Ubadkaada luqqad aan Af Jarmal ahayn ayuu ku hadlaa miyaa? Haddaba sida ugu dhaqsaha badan waa in Carruur af Jarmal ku hadasho ay isku bartaan. Sida ugu dhaqsaha badan uu ku barankaro Ubadkaaga ayaa sidaas ah. Tusaale ahaan waxaad ku dari kartaa Kooxo uu la ciyaaro (Spielgruppe). Waxaa jirto sidoo kale Adeegyo gaar ah oo loogu talo galay Waalidiinta iyo Ubadka.

Kuma hadlo miyaa Ubadkaaga wali af Jarmalka mise waxuu ku hadlaa kaliya wax yar? Hadaba waxaa qasab ah in ugu dambeyn 1 sano kahor Xannaanada intuu bilaabin uu barto afka Jarmalka. Waxaan kugu soo wargelin doonaa Warqad qoraal ah 18 bilood kahor inta uusan gaarin xilliga uu Xannaanada bilaabi lahaa. Fursadaha aad heli karto waxaa kamid ah tusaale ahaan:

  • Meel lagu ciyaarsiiyo Ubadka oo xoogga lagu saarayo barashada af Jarmalka (Spielgruppe)
  • Goobaha Xannaanada Caruurta (Kita) ee Af Jarmalka loogaga hadlo
  • Maalin Joogga Qoysaska

Ubadkaaga waxaad ka caawin kartaa inuu hadal barto. Waxbadan lahadal Ubadkaada, Markuu hadlaayo dhagayso oo uga sheekey sheeko xariirooyin. Kula hadal luqadda aad sida fiican ugu hadasho ama aad jeceshahay inaad ku hadasho.

Tarjumidda / Adeegyada Tarjumaannada

Maku cusubtahay magaalada Basel, afka jarmalkana wali sifiican ma ugu hadashid miyaa? Haddaba waxaad u baahantahay qof marmar kuu tarjummo. Waxaa macquul ah inaad weydiisan karto inay kuu tarjummaan ehelkaaga ama dad aad taqaano.

Laakin waxyaabaha qaar ee laguu tarjummaayo waxay noqon karaan kuwo addag ama sir kuu ah.Tusaale ahaan, Isbitaalada ama Dowladda. Saas awgeed waxaa laga yaabaa inay kuu fiicantahay inuu kuu tarjummo Tarjummaanada dhaqanka ama Tarjumaanada kale. Waa Xirfadleyaal qaas u ah Dadka leh dhaqamada kale. Xirfadleyaashan waxay yaqaanniin dhaqankaaga waxayna kuugu tarjumi karaan si aad u wada fahanto.

Warqad qoraal ah oo Hay'adda socdaalka ee waaxda ajaanibta kaaga timid ma fahmi waysay? Mise Warqad in aad soo buuxiso ama aad soo qorto lagaaga baahanyahay ma jirtaa? Halkan ayaad ka helaysaa Caawinaad:

  • Adeegga Tarjumida ee GGG Migration

Heerka luqadda ee lagu xiro qaadashada Sharciyada iyo Dhalashada

Waxaa macquul ah inaad codsanayso sharciga Joogista ee (B) ama sharciga Joogista ee (C). Ama waxaa doonaysaa inaad qaadato dhalashada wadanka. Af Jarmalkana ma ahan luqadaada hooyo sooma ahan? Hadaba waxaad u baahantahay shahaado cadaynaysa inaad luqada si fiican ugu hadasho.

Xog la xiriirta waxyaabaha lagaaga baahanyahay marka aad xaraysanayso waxaad ka helaysaa halkan:

  • Hay'adda socdaalka waaxda ajaanibta (Migrationsamt)