Nidaamka Waxbarashada

Wadanka Swiiserlaan marwalba wax la baran karaa, noloshana waala horumarsiin karaa. Waxaa muhiimad gaar ah leh in la barto Xirfad. Qofkii Xirfad barto waxuu sii kordhisan karaa tacliintiisa ama waxuu sii baran karaa Tacliinta sare.

Qaabdhismeedka / Cidda ku shaqada leh

Swiiserlaan waxaa ka jiro 3 heer oo waxbarasho oo is dulsaaran.

Wadanka Swiiserlaan darajooyinka waxbarashada waxaa loo qeybiyaa 3:

  • Iskuullada Qasabka ah (Volksschule: Kindergarten, Primarschule und Sekundarstufe I)
  • Barashada xirfadaha ama Dugsiga sare (Sekundarstufe II)
  • Jaamacadaha iyo Tacliinta sare (Tertiärstufe)

Hay'adaha Dowlada ayaa isku hoowla tacliinta: Dowlada federaalka, Dowlada hoose iyo Degmooyinka waxay qeybsadaan howlaha iyo waajibaadka. Sidaas darteed ayay Gobolada ugu kala duwan yihiin Dugsiyada iyo nidaamka Dugsiyada.

Waajibaadka Dugsiga

Gobolka Basel-Stadt waxaa qasab ah Dugsiga hoose in la dhigto 11 sanadood. Taas waxay la micno tahay: Caruurta waa in ay 11 sanadood iskuullada aadaan. Waqtiga Ubadku bilaabayo Iskuulka waa marka uu gaaro 4 sano jir. Hadii ilmahu aadi karin iskuulka waa in cudur daar laga bixiyaa. Hadii ilmaha cudur daar la'aan iskuulka aadin waxaa la ganaaxi karaa waalidkooda.

Caruurta ka yar 16 ka sano ee ku cusub Basel, waaloo ogolyahay inay booqdaan Dugsiga hoose. Dhalinyarada ka weyn da'da 16 jirka ee ku cusub Basel, waxay aadi karaan xarunta macluumaadka xirfadaha ee loosoo gaabiyo BIZ (Berufsinformationszentrum). Warbixin buuxdo oo ku saabsan waxbarashada iyo xirfadaha ay samayn karaan ayay BIZ siin doontaa dhalinyarada.

Xirfad barashada dugsiyada Qasabka ah kadib

Dugsiyada Qasabka ah kadib dhallinyarada waxay sameyn karaan Xirfad barasho. Dhalinyaro aad u badan ayaa go'aansado Xirfadaha Aasaasiga ah (Berufslehre) inay sameyaan si ay ugu sii gudbaan heerka Tacliinta sare (höhere Berufsbildung). Dhalintu waxay sameyn karaan inta ay kuguda jiraan Xirfad barashada amaba kadib, Shahaadada Qubuulka Tacliinta sare (Berusmaturität) si ay ugu sii gudbi karaan Tacliinta Sare kadibna jaamacadaha iyo Tacliinta sare. 20% waxay booqdaan Dugsigayada Gymnasiumka ee Matuurada (gymnasiale Maturität). Dhalinyarada waxay u ogolaanaysaa inay wax kabartaan Jaamacadaha.

Deeqaha Waxbarasho

Waxaa jiro Deeqo Waxbarasho (Stipendien) kuwaasoo loogu talo galay dadka aan lacag kufilan haysan, si ay u booqan karaan dugsiyada waxbarashada ama kuwa xirfadda. Waxbarashada Dugsiyada Qasabka ah kadib ayaa lasiiyaa dadka dhaqaale ay isaga bixin karaan Barashada Xirfadaha. Waa macquulgal hadii ay kayimaadeen wadan kale oo ay ku noolyihiin Basel-Stadt inay helaan kaalmadaan waxbarasho. Laakin waxay ku xirantahay hadba wadanka aad katimid iyo inta sano ee aad ku nooshahay Swiiserlaan. Hay'adaha bixiyo deeqahaa waxbarasho ee Gobolka (Amt für Ausbildungsbeiträge) ayaa kusiinayo macluumaad dheeri ah.