Dhaqanka

Basel-Stadt waxaa ka dhaco munaasabado dhaqameed badan. Hadii aadan haysan lacag badan, waxaa jiro habab kala duwan, oo aad si bilaash ah ama qiimo jaban ah uga qayb qaadan karto.

Madxafyada / Bandhigyada

In ku dhow 40 madxaf ayaa qaban qaabiyo bandhigyo iyo munaasabado. Sidoo kale meelo yaryar oo lagu keydiyo sawir gacmeedyadii hore iyo farshaxanada ayaad booqan kartaa. Xataa meelaha bannaanka ah waxaad ku arki kartaa farshaxanno lagu sameeyo.

Heesaha / Qoobka ciyaarka / Masraxyada / Suugaanta

Gobolka Basel-Stadt waxaa ka dhaco munaasabado dhaqameed faro badan. Masraxa Theater Basel waxaad ku raaxaysan kartaa Heesaha, Riwaayadaha iyo qoobka ciyaarada, Kaserne iyadana heesaha qaraamiga ah, qoobka ciyaarka iyo masraxyada. Waxaa kaloo jiro xataa meelo yaryar sida Vorstadttheater ama Sommercasino. Xilliga kuleeylaha waxaad booqan kartaa goobo badan oo banaanka ah oo lagu qabanaayo xaflado iyo dabbaaldegyo. Kuwa kamid ah munaasabadahaas waxa lagu galaa si bilaash ah.

Dhismayaasha

Basel iyo nawaaxigeeda waxaad ku arki kartaa Dhismayaal badan oo casri ah. Tusaale ahaan degmada Riehen waxaa ku yaallo Fondation Beyeler oo nashkhadeedu lahaa Renzo Piano. Magaalada Basel gudaheeda waxaa ku yaalo dhismaha cusub ee madxafka farshaxanka ee Basel (Kunstmuseums Basel) oo nashqadeedu lahaayeen Christ iyo Gantenbein ama dib u habayntii goobta khamaarka lagu ciyaaro ee (Stadtcasinos Basel) ee uu nashqadeedu wada lahaayeen Herzog iyo de Meuron.

Adeegyo qiimo jaban iyo kuwo bilaash ah

Madxafyo iyo goobo badan oo xafladaha lagu qabto ayaa ah kuwo leh qiimo gaar ah. Tusaale ahaan waxaad bixinaysa muddo kooban hadii aad ku jirto lacag yar ama waaba bilaash. Dadka qaar waxay ku galaan si bilaash ah ama waxaa laga qaadaa lacag aan badnayn. Sidoo kale waxaa jiro bandhigyo iyo xaflado bilaash lagu galo oo lagu qabto bannaanka. Kooxo (Vereine) badan iyo ururrada ajaaniibta ayaa iyaguna waxaa laga helaa fursadahaas. Kaarka KulturLegi, kaarka qoysaska (Familienpass) ama colorkey waxaad ku helaysaa wax yaabo badan qiimo jaban. Madoonaysaa inaadan kaligaa booqanin Xafladaha iyo Madxafyada? Waxaa jiro fursado ah inaad adinkoo koox ah ama adigoo qof wehel (Tandem) ah kula socdo. "Tandem" micnaheedu waa: Waxaad booqanaysaa goobahaas adigoo qof kale kula socdo.