Gaari / Mooto

Swiserlaan waxaa jiro leeyman wadooyin oo aad u qaabeysan. Isticmaalka wadooyinka inta ugu badan waa bilaash. Sharciyada wadooyinka waxay leeyihiin macno weyn. Haddii la ilaalin waayo sharciyadaas ganaaxu waa mid sare.

Sharciyada Wadooyinka

Sharciyada wadooyinka waxay ahmiyad sare u leeyihiin Darawalada gaadiidka Swiserlaan. Marka loo eego wadama kale ganaaxyada Swiiserlaan waa kuwo sare. Xadgudubka sharciyada wadooyinka ee aadka u weyn waxay horseedi kartaa in lagaa qaado Leeysinka.
Sharciyada qaar ee muhiimka ah:

  • Xawaaraha ugu badan ee magaalada dhexdeeda lagu wadi karo gaariga: 50 km/Saacadiiba; Magaalada banaankeeda: 80 km/Saacadiiba, Wadada Gawaarida: 100km/Saacadiiba, Wadada degdegta: 120 km/Saacadiiba
  • Wadada degdegta ah in midigta la isku dhaafo waa mamnuuc; midigta markaad ku socoto waa inaa taxadar muujisaa haddii leeynka bidix ama kan dhexe baabuurta isku xiranyihiin.
  • Nalka waa in sidoo kale maalintii uu daarnaada.
  • Dhammaan dadka gaariga saaran waa in ay suunka xirtaan.
  • Caruurta waa in kursiga caruurta ay ku fadhiyaan (ilaa 12 sano jir ama caruurta dhirirkoodu yahay hal mitir iyo bar)
  • Gaariga marka lawado kaliya waxaa la ogolyahay in lagu hadlo taleefan sameecadda gaariga ku xiran.
  • Waditaanka gaariga adoo cabsan khamri ama daroogaysan waa la isku ciqaabaa ( Xadiga la ogolyahay ugu badnaan 0.5 barmiil)
  • Dadka lugeynaayo meelaha u gaarka dadku inay maraan iyagaa mar walbo u
    xaqleh wadada (marka laga reebo wadooyinka samaafaraha leh).

Lacagaha Wadooyinka

Wadooyinka waxaa maalgeliyo Dowlada federaalka, dowlada hoose iyo degmooyinka. Isticmaalka wadooyinka waa bilaash. Marka laga reebo wadooyinka degdegta ah: Qofkii rabo inuu isticmaalo wadooyinka degdegta lagu maro waa inuu iibsadaa sanad waliba warqad yar oo lagu dhajiyo muraayadda hore ee gaariga (Vignette). Waxaa laga iibsan karaa goobaha shidaalka lagaga shubto, xafiiska Boostada ama Hay'adaha Gaadiidka.

Ceymiska

Swiserlaan waxaa la ogolyahay in la isticmaalo kaliya gaadidka motoorka ku shaqeeya ee ku jira ceymis. Ceymiska Magdhowga ee gaadiidka ku shaqeeya motoorka (Motorfahrzeug-Haftpflichtversicherung) waxaa laga sameysan karaa shirkado badan. Ceymiska wuxuu bixiyaa qasaaraha naf iyo maal ee uu sababay gaariga. Ceymiska gaarigaada waxaa jiro Ceymisyo dheeraad ah oo aan qasab ahayn oo aad u sameysan karto (Kaskoversicherungen). Fiiro gaar ah: Haddii qofku si mas'uuliyad darro ah qasaare u sameeyo ma bixiyaan ceymiska (Tusaale ahaan, Waditaanka gaariga adoo cabsan khamri ama daroogaysan). Ceymiska Magdhowga ee gaadiidka ku shaqeeya motoorka lama mid aha Ceymiska Magdhowga Gaarka ah.

Soo dhoofinta Gaadiidka ku shaqeeya motoorka

Qofkii doonaya in gaadiid motoor ku shaqeeya si toos ah Swiiserlaan ugala soo dago waa inuu wargeliyo waaxda canshuuraha si loo canshuuro. Gadiidka waa in lasoo hubiyo farmamo ahaan inuu bad qabo. Waxaa loo baahanyahay Ceymiska Magdhowga ee gaadiidka ku shaqeeya motoorka, Sharciga gawaarida oo Swiis ah iyo Lambar taariko oo Swiserlaan ah. Xog dheerad ah waxaad kaheli kartaa Qaybta baarista Gaadiidka ee Basel-Stadt (Motorfahrzeugkontrolle).

Gaari Qaybsi

Gaari Qaybsi waxa lagala jeedaa, in dad badan hal gaari ama kabadan ay wada isticmaalaan. Gawaarida Ururka Gaari Qaybsiga waxay inta badan yaalaan goobaha la dhigto gawaarida oo u gaar ah waxaana laga carbuuntaa Onleeynka ama Taleefanka. Goobaha laga helo gawaarida inta badan waxay aad ugu dhowyihiin halka ugu dambaysa ee gaadiidka dadweynuhu istaagaan (Tusaale, Boostejada Tareenada, Taraamyada ama halka ugu dambaysa ee Basasku istaagaan). Farqiga u dhexeeya kireeysashada Gawaarida waa in Gaari Qaysiga macquul tahay in Saacado kaliya ad kusoo daneeysan karto.