Isdhexgalka Bulshada

Gobolka Basel-Stadt markaa degan tahay waxaad leedahay xuquuq. Waxba kuma kala duwana inaa tahay Rag ama Dumar ama wadanka aad kasoo jeedo, luqada aad ku hadasho, diinta aad aaminsantahay ama xanuunada aad qabto. Waxaa doonto ahoow waxa waajib ah inaad ilaaliso sharciyada waddanka. Sidoo kale waxaa muhiim ah, inaad tahay qof shaqaysto oo noloshiisa ku filan luqada Jarmalkana aad barato. Halkaan waxaad ka helaysaa warbixinno dheeri ah oo kusaabsan.

Waxyaabaha aasaasiga ah ee ugu Muhiimsan

Marka aad ku nooshahay Swiiserlaan, waa inaad Sharciyada Dowlada iyo xeerarka u dagsan dhowrtaa. Taas waxay la micno tahay, waa Tusaale ahaan: Dadka oo dhan in si ixtiraam leh kuwada socdaan. Dadka oo dhan isku si ayaa loogula dhaqmayaa, ruuxna lama takoorayo. Markii aad ku nooshahay Basel, waxaa kula gudboon Barasahada afka Jarmalka. Sidoo kale inaad tahay qof shaqaysta oo aan ceyr qaadanin.

Laakin isdhexgalka Bulshada waxay shaqaynaysaa kaliya marka dadka dhan wada samaynayaan. Reer Basel waxaa la gudboon inay qalbiyada idiin furaan. Waxaa la gudboon inay idin caawiyaan oo idin lasocod siiyaan waxaadan ogayn.

Mas'uuliyadda gaarka ah

Basel ayaad soo dagtay sooma ahan? Dowlada Federaalka, Dowladda hoose, iyo Degmooyinka ayaa xil iska saaray inay ku sahlaan wadadii aad u qaadi lahayd nolosha shaqo, bulsho iyo dhaqan intaba. Laakin adigana waa in aad xil iska saartaa inaad isdhexgalka Bulshada sameeyso, luqadda barato qof shaqaystana ahaato. Waxaan kaaga fadhinaa inaad ka faaidaysato Fursadahan kuu sahlayo Isdhexgalka Bulshada.

Kaqeyb noqoshada nolosha Bulshada

Waxaad ula qabsan kartaa waddanka sidan: Kooxaha ayaad ku biiri kartaa waxaadna isku baran kartaan dad cusub oo aad u wanaagsan. Ama waxaad booqan kartaa munaasabadaha iyo Dabbaaldegyada ka dhacayo Xaafadaada. Waxaa laga yaabaa bilowga hore inay xoogaa yara adagtahay. Dadka qaar dadka ajaanibta ah ee wadamada kale ka yimid uma furfurno. Laakin in muddo ah kadib ayay iska soo furfuraan ee Ha is dhiibin haddaba.

Wargelin / Taagero

Waxaad soo dagtay Basel miyaa waxaadna u baahantahay in lagu caawiyo ama aad hesho macluumaad? Basel-Stadt waxaa ku yaallo Xarumo badan oo aa ku caawin kara. Hay'adaha dowlada ee Gobolka Basel-Stadt iyo Xarumahooda Degmada laga maamulo waxaad ka heli kartaa macluumaadyo badan. Waxaase kaloo jiro Xarumo ku caawin kara oo u gaar ah soo galootiga iyo ajaanibta oo aad tagi karto.

Warbixinno kusaabsan Nolosaha waddanka Swiserlaan iyo mowduucyo kale waxaad kaheli kartaa:

  • Waaxda Ajaanibta ee Hay'adda Socdaalka Gobolka (GGG Migration)

Warbixinno kusaabsan Xaqa Magangelyo doonka iyo Xaqa Ajaanibta waxaad kaheli kartaa:

  • Xarunta Talada iyo Taageerada Magangelyo doonka (Beratungsstelle für Asylsuchende BAS)
  • Koox madax bannaan oo caawiso Soo galootiga iyo Ajaanibta (Freiplatzaktion)

Wali afka Jarmalka kuma hadli kartid soo maha? Hadaba horay usii kaxayso qofkuu turjumi karo. Turjumaan hadaadan haysan xitaa waad dalban kartaa in laguu keeno.