Waqtiyada shaqada / Ciidaha

Waddanka Swiiserlaan dukaamada intooda badan maalinta Axadda way xiranyihiin. Marka laga reebo goobaha ganacsi ee ku dhex yaallo Boosteejooyinka Tareenadda laga raaco iyo Goobaha Shidaalka. Maalmaha ciidaha ee aanan la shaqaynin waxaa go'aansado gobollada.

Ciidaha

Xukunka Maalmaha Ciidaha waxuu ku xardhan yahay Xeerka shaqada Swiserlaan isagoo lamid dhigayo maalmaha Axadda. 1-da Agoosto waa maalinta qaranka Swiiserlaan (Nationalfeiertag) waana Ciid sharci ah oo wadanka oo dhan looga dabbaaldego. Ciido dheeri ah ayuu gobol walbo ku darsan karaa. Gobolka Basel-Stadt maalmahan soo socdo waxay u tahay maalmo Ciideed oo aanan la shaqayn: Sanadka Cusub (1. Janaayo), Karfreitag (Jimcaha kahorayso Ostern), Osternka, Maalinta shaqada (1-da Meey), Auffahrt (Khamiis 40 maalin kaddib Ostersonntag, Pfingsten, Maalinta qaranka (1-da Agoosto), Weihnachten (25. Diseembar), Stephanstag (26-ka Diseembar).

Waqtiyada Dukaamadu Shaqeeyaan

Waqtiyada dukaamada lafuro ama laxiro gobollada way ku kala duwanyihiin. Gobolka Basel-Stadt dukaamada waxay furnaan karaan Isniin illaa iyo Jimce inta u dhaxayso 6-da subaxnimo illaa iyo 8-da fiidnimo. Dukaamada laakin way ku kala duwanaan karaan xilliyada ay furayaan ama ay xirayaan. Maalmaha sabtiga, dukaamada waxay xiraan xilli kahorayso maalmaha caadiga ah; badanaa 6 fiidnimo. Maalmaha Axadda Dukaamada inta badan way xiranyihiin. Marka laga reebo dukaamada ku dhex yaallo goobaha Tareenka laga raaco, Shidaallayaasha iyo dukaamada yar yar ee xaafadaha ku dhex yaallo, kuwaasoo caadi ahaan 7-da maalinba furan oo waliba inta badan Xilli horena furo xilli horena xiro si kaduwan dukaamada kale oo dhan.

Waqtiyada shaqada Xafiisyaha Dowlada

Xafiisyada maamulka Gobolka caadi ahaan waxay furanyihiin Isniin ilaa iyo Jimco 8-da subaxnimo illaa 12-ka duhurnimo iyo 2-da duhurnimo illaa iyo 5-ta galabnimo. Xafiisyada qaar waxay furaan duhurka kadib 1:30 ka amma waxay u furanyihiin qadka taleefanka. Xilliyada ay furanyihiin Xafiisyada degmooyinka si aad ah ayay u kala duwan yihiin. Gaar ahaan Degmooyinka yaryar xafiisyadooda inta ay furanyihiin way xadidantahay. Waxaa habboon inta aadan aadin kahor inaad aaladda internetka ka fiiriso ama aad soo wacdo waqtiyada shaqada.